Al-Shaabab oo Dilay Jeneraal Max’med Isxaaq iyo laba Xidigle Cabdi Caziiz

Al-shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Deegaanka deegaanka Daynuunaay iyo duleedka Baydhabo ee Gobolka Baay.

Al-shabaab waxa ay sheegeen in dagaalka uu ahaa mid xoogan,islamarkaana khasaare kala duwan lagu gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerar isugu jiray dhabbagal iyo qaraxyo lagu dilay ugu yaraan 14 askari oo ay kamid ahaayeen saraakiil sarsare.

Taliyihii guutada 8aad qeybta 60aad ee ciidamada dowladda Jeneraal Max’med Isxaaq Xasan ayaa kamid ahaa saraakiishii lagu dilay dagaalka, sidoo kale waxaa qaraxyo dhowr ah lagu gubay gaari Cabdi Bile ah iyo gaari Ambalaas ah oo gurmad ahaan ugasoo baxay Baydhabo.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in ay dileen Laba Xidigle Cabdi Caziiz oo ahaa taliye ku xigeenka guutada 8aad ee ciidamada dowladda qeybta lixaad.