Akhriso;-Kal-fadhiga 47-aad ee Baarlamaanka Puntland oo Maanta Furmaya

Saakay oo Axad ah waxaa Magaaladda Garoowe ee Caasimada puntland gaar ahaan Xarunta baarlamaanka ka furmaya Kal-fadhiga 47-aad ee Golaha Wakiilada Puntland.

Sida uu qorayo Dastuurka puntland waxaa kalfadhiga furaya  Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxana ka qeyb galaya ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan, xubno ka tirsan Golayaasha kala duwan ee Puntland, xildhibaanno ka socda Baarlamanka Koonfur Galbeed iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa wakiiladda Puntland warbixin ka siin doona Arrimaha Puntland iyo guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya, gaar haanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.