Tirada dhimashada ciidamdda midowga Africa ee amisom kuwaasi oo kusugan Somalia ayaa lagu sheegay iney gaareyso in ka badan 1,800 oo kamid ah ciidamadda nabad ilaalnta u jooga Somalia ee amisom,sida uusheegay cilmi baare udhashay dalka mareykanka oo lagu magacaabo paul Williams.
Waxa uu cilmi baare paul Williams kasoo xigtay xogtan laxariiirta tirade askarta amisom ee ku dhintay gudaha dalka Somalia shan ilo wareed inta ugu badan xogtan paul Williams waxa uu kahelay xafiiska midowga Africa oo magacooda loo soo gaabiyo AU kaasi oo u sheegay tirade ciidamada amisom uga dhimatay Somalia tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Somalia sanaddii 2007.
Professor paul Williams waxa uu ku qiyasay tirade askarta ciidamadda midowga Africa ee amisom kuwaasi oo ku dhintay gudaha dalka Somalia intii u dhexeysay sanadihi bishii march 2007 ilaa bishii December 2018 inta udhaxeysa 1483 ilaa 1884 sida uu kuqoray warbixintiisa.
“tirade saxda ah weey kabadan kartaa weyna ka hoos mari kartaa celcelis ahaan “ ayuu kudaray waribixintiisa professor paul Williams.
Xafiiska nabad ilaalinta midowga asfrica ee amisom ayaa diiwaan galiyay intii udhaxeysay bishii Augusta 2009 ilaa bishii September 2012 lacagaha magdhawga ee lasiiyay wadamada askartooda ey kudhinteen howlgalka nabad ilaalinta ee Somalia lacag dhan $50,000 askar gaaareysay 439 kuwaaasi oo kudhintay gudaha dalka Somalia waxana warbixintan lagu daray lacago dheeraad ah taasi oo lagu qiyaasay $10,000 lacagahaasi oo lagu bixiyay dabiibida askar ku dhaawacantay howlgalka nabad ilaalinta amisom ee Somalia tirade askartaasi oo lagu sheegay 575 kuwaasi oo kudhaawacmay dagaladi kadhacay gudaha dalka Somalia.