Ahlusuna oo Lagala Wareegay Dhaqaalihii Garoomada Dhuusamareeb iyo Guriceel

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka galmudug ayaa ku waramaya in Maamulka Ahlusuna lagala wareegay Dhaqaalihii kasoo xaroynayay Garoomada Diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ilo lagu kalsoonan karo oo ku sugan magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa idaacadda Simba u sheegay in Dowladda Federaalka, ay Khamiistii soo saartay awaamiir lacagahaasi looga wareejinayo khasnadda Ahlu Sunna.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ciidamo hoostaga Dowladda Soomaaliya la geeyay garoomadaas,islamarkaana la wareegeen amniga Garoomadaas.

Tan iyo markii Ciidamada Dowladda ay bishii November la wareegeen gacan ku haynta Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayay lacagaha goobahaasi ka soo xarooda ku dhici jirtay khasnadda Ahlu Sunna, inkastoo labada kastam ay jooggeen ciidan u daacad ah Ahlu Sunna, xalay-na ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda.

Maamulka galmudug Garabka Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor), oo Dowladda Soomaaliya Taageero ka haysta ayaa wada qorshe maamulkiisa isugu balaarinayo Magaaloyinka Guriceel iyo Dhuusa-mareeb.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.