Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Abdirahmaan Cabdishakuur oo Eedeen u Jeediyay Hay’adda Nisa

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,ayaa eedeen u jeediyay Hay’adda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga ayaa sheegay in Hay’adda Nabadd Sugidda ay Fududeysay wixii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo shalay galab rag Shabaab oo maxaabiisa ay ka dhex dagaalameen.

Waxa uu sheegay qorshaha dagaalka & hubka la galiyay xabsiga dhexe inay tahay arrin laga shaqeeyay oo dano gaar ah laga lahaa sida in Maxaabiis laga fakiyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

“Xalay Al-Shabaab ayaa hub loo galiyay Xabsiga dhexe ee Xamar, waana qorsho Nabad Sugidda ka dambeyso madaama ay ku milanyihiin ragga ka tirsan Al-Shabaab”.