Maamulka Koonfur Galbeed War Kasoo Saaray Duqeyn Ka Dhacday Gobolka Bakool

0

Wasaarada amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijisay in saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ay xalay howlgal duqeyn ah oo lagu dilay Horjoogayaal ka tirsan Dagaalamyaasha  Al-Shabaab ay ka fuliyeen deegaanka Ma’moodow oo qiyaastii 40-km dhanka waqooyi uga began degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Duqeynta ayaa waxaa ku naf waayay Horjoogayaal ku mashquulsanaa sidii loo dhibaatayn lahaa hantida shacabka Soomaaliyeed,waxaana xubnaha  la duqeeyey isku dayeen in ay wada u galaan gaadiid ganacsi iyo kuwo gargaar u siday degmada Xudur ay lagu yiri warkasoo baxay maamulka  koonfur galbeed .

Duqeynta oo ka dhacday deegaanka Ma’moodow ee gobolka Bakool ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladda Federaalka, saaxiibada Soomaaliya iyo maamul Koonfur galbeed ku doonayaan sidii  Al-Shabaab looga saari  lahaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Horjoogayaal ka tirsan dagaalamayasha  Al-Shabaab oo ka firxaday howlgalka ay wadaan ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamka ayaa si dhuumaaleysi ah ku jooga deegaano ka tirsan gobolka Bakool, kuwaas oo lagu raad joogo ayaa lagu yiri qoraalka .

Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed oo ka jawaabaya baaqa shacabka gobolka Bakool ee go’doominta  dagaalamayaasha  Al-Shabaab ayaa qaaday howlgal lagu beegsanayo al-shabaab   si looga dul qaado dhibaatada shacabka ku hayaan ayaa lagu sheegay qoraalka kaasoo baxay maamulka koonfur galbeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here