Shirkii Ay Iclaamiyeen Mamulada Puntland Iyo Jubbaland Oo Baaqday

0

waxa maanta oo taariikhdu ku beegantahay 30 bisha january loo balansanaa shir ay ku baaqeen madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland shirkaas oo looga hadlayo xaalada siyaasadeed ee dalka balse gabi ahaanba shirkaasi

waa uu baqday mana jirto wax saan saan ah oo muujinayo in shir uu ku dhacayo

war qoraal ah oo kasoo baxay maamulada puntland iyo jubbland ayaa waxa ay kusoo saareen baaq ah in la qabto shir ay iskugu imaanyo madaxda dowlada iyo dowladda xubnaha ka ah balse dowladda federaalku kama aysan jawaabin baaqaasi kasoo yeeray maamulada puntland iyo jubbland

shirkaan ay ku baaqeen maamulada puntland iyo jubbaland ayaa waxa uu kaliya ahaa mid 30ka bisha ku taariikheysan balse aan la shaacin halka uu shirkaas ka dhacayo

beesha caalamka oo soomaaliya arimaha doorashada ka taageerta ayaa iyadu waxa ay si aad ah usoo dhaweysay baaqa kasoo baxay maamulada puntland iyo jubaland waxaana ay sheegeen in loo baahanyahay in shir dib u heshiisiin laiskugu yimaado

sidoookale beesha caalamka ayaa waxa ay saamileeyda siyaasadeed ay cadaadis ku saartay sidii dalkaan ay doorasho uga dhici laheyd iyadoona maamulada qaar ku cadaadineysa sidii ay qeybtooda uga qaadan lahaayeen doorashada

mudooyinkii dambe ayaa waxa uu khilaaf xoogan iyo muran siyaasadeed hareeyay doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo horaanta sanadkaan

waxaana xusid mudan in muddo xileedka madaxda haatan talada dalka heysa ay ka harsantahay sagaal bari oo kaliya mana jirto ilaa iyo hada waxa saan  saan doorasho ah oo ka socda dalka ama aysan jirin wax muujinaya in dalka ay ka dhaceyso doorasho heshiis lagu yahay oo wada ogol ah

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here