7-Ruux oo Ku Dhimatay Qaraxii Duleedka Magaaladda Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo saakay ka dhacay Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deeganadda Xaawa Cabdi iyo Lafoole ee Duleedka Magaaladda Muqdisho, wuxuuna geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gaariga qaraxa qabsaday oo ahaa Homey ayaa ka yimid dhanka Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna usoo socday dhanka Magaaladda Muqdisho.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in qaraxa uu khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira uu u geystay dadkii gaariga saarnaa.

Inta la xaqiijiyay 7 qof ayaa ku ku dhimatay 13 kalana way ku dhaawacmeen qaraxa,sida booliska Soomaaliya ay xaqiijiyeen.

Sidoo kale booliska ayaa xaqiijiyay 13-qof ee dhaawacyadda qaba lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee Magaaladda Muqdisho.

Ma aha markii ugu horeesay uu qarax nuucaan ah haleelo gaari dad shacab ah saaran yihiin oo maraya wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye,mana jirta cid sheegata.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.