22-Askari Oo Itoobiyaan Ahaa Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gudaha Soomaaliya.

Dagaal udhaxeeyey Maleeshiyaadka Macawisleyda iyo Ciidan Itoobiyaan ahaa oo ka baxsaday Taliska Ciidanka AMISOM ee Deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan Ciidanka Itoobiya Ayaa ka dhacay Degaanka Buqaqablle ee Gobalka Hiiraan.
 
Maxamed Cali oo ah Horjooge Ka tirsan Maleeshiyaadka Macawesleydda Ayaa sheegay Inay dileen 22-Askari oo ahaa Ciidan ka baxsaday Taliska Ciidanka Itoobiya ee Gobalka Bakool waxa uuna xusay inay gacanta ku dhigeen Hub faro badan iyo Maxaabiis.
 
dhanka kale sarkaalkaan ayaa sheegay in Macawisleyda dagaalkaasi looga dilay 13-Ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Macawisleyda ee weerarka dhaba-galka ahaa Fuliyey, waxaana xusid mudan in aanu la Xiriirnay Saraakiisha Hay’adaha Amniga Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle si arintaan aan wax uga weydiino balse waa ay ka gaabsadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.