Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya ay gacanata ku dhigeen Miino lasoo dhigay Xaafadda 21-ka October ee Degmadaas.
Ciidamada amaanka ayaa xirey gabi ahaanba waddada isku xirta KM4 iyo xaafadda Afisiyooni ee isla Degmada Waabari ee Gobolka banadir si aysan shacabka waxyeelo ugu soo gaarin miinada.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmada Waabari,ayaa inoo sheegay in Ciidamada ay arkeen miinada,lana filayo in ay qarxiyaan dhawaan, waxaana gabi ahaanba hakad la galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka waddada isku xirta KM4 iyo xaafadda Afisiyooni ee isla Degmada Waabari.

