Puntland:-“Beledweyne ayaa Laga Soo Raray Qaraxyadda Lagu Qabtay Boosaaso”,+Dhageyso

0

C/xakiin Xuseen Yuusuf Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari oo ka Hadlayay Qaraxyo lagu qabtay Kontoroolka  Magaalada Bosaso  ee Gobolka Bari ayaa sheegay in gaariga la qaybta uu siday khudaar, waxaana uu ka yimid magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, Taliyaha ayaa sheegay in waxyaabaha qaraxa loo adeegsado lagu soo dhexqariyay khudaarta dhexdeeda.

“Baabuurkan oo nooca Soomaalidu u taqaano Candho-Maydle-ha Ah waxaa alaabta laga soo saaray Beledweyne, waxaana xiriirinaysay Haweenay joogta Beledweyne, Ninkii ay u socotay alaabtu waan qabanay ” ayuu yiri Taliye Cabdixakiin oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sidoo kale Xusay iney socdaan baaritaan dheeraad oo la xiriira cidda loo wadey agabka qaraxyada oo aad u xooga badan iyo isgaarsiinta ciidanka, halka loogu talagalay, waxaa kaloo uu sheegay in baabuurkan uu soo maray dhammaan kontoroolaadii Puntland laga soo bilaabo Galkacayo, Garoowe, Qardho iyo kuwo kale.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in xitaa Gaarigan la qabtay xilli uu Soo dhaafay Koontoroolka BMagaalada oosaso, oo Ciidamo Ka Daba yimaadeen isagoo Magaaladda Soo Gali Raba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here