Madaxa Arimaha Deegaanka ee QM oo Kulan  La Qaatay RW Soomaaliya

0

Madaxa Fulinta Arrimaha  deegaanka ee qaramada Midoobay Mr. Erik Solheim,  kaa oo soo gaaray magaalada Mogadishu ayaa kulan la qaatay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Federeralka Soomaaliya Hassan Ali Khayre iyo Ku xigeenkiisa Mahdi Mohamed Guled.

Kulanka  ay wadaqaateen ayaa diirada lagu saaray arimo ay kamid yihiin saameynta isbadalada  cimilada, tamarta dib loo cusbooneysiin-karo,ka ganacsiga dhuxusha iyo in dowlada federalka soomaaliya laga taageero ilaalinta arimaha deegaanka.

“Iaalinta deegaanka waa mid muhiim u ah dowlada walba gaar ahaan dowlada dhexe ee soomaaliya sababtoo ah abaaraha kajira soomaaliya bilihii ugu dambeeyay waxeey xiriir la leeyihiin isbadalka Cimilada” sidaas ayuu u sheegay saxaaafda agaasimaha arimaha deeganka ee qaramada Midoobe.

Waxaa sidoo kale Mr. Solheim uu sheegay in muhiim ay tahay in soomaaliya laga hergeliyo isticmaalka Solarka iyo tamarta laga dhaliyo dabeesha waxaana uu tilmaamay in isticmaalka tamarta laga dhaliyo biyaha ay dalka ka dhigeyso mid xasilooni taa  oo shaqooyin abuuri karta iyo kobaca dhaqaalaha oo sare u kaca.

Waxaa ugu dambeyntii Mr. Solheim uu ugu baaqaydowlada federal-ka soomaaliya in ajandayaasha ay ku darto iaalinta deegaanka. Isagoo balanqaaday in qaramada midoobay gaar ahaan laanteeda barnaamijyada deegaanka  ay ka caawin doonto ilaalinta kaluunka biyaha Soomaaliya si looga hortago kaluumeysiga sharci darrada oo maraakiibta caalamiga ay ku hayaan biyaha soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here