Wafdi uu Hogaaminaayo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan arimaha Somaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baledweyne Ugaas Khaliif usoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Saraakiisha ciidamada Amisom iyo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka.
Xubnaha Wafdiga ayaa sheegay ujeedka ay u tageen Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraa inay tahay sidii Odayaasha Dhaqanka ay kulan ula qaadan lahaayeen kaasi oo loogu hadlaayo arrimaha shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe.
Odoyaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeeda shirka Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhex kuwaasi oo dowlada soomaliya ku eedeeyay in ay isdaba marin sameysay.





