C/raxmaan Ceynte:-Deeqaha ay Dowlada Hesho Waa in La Waafajiyaa Qorshaha Horumarinta Qaranka

0

Wasaaradda  Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa soo dhaweysay lacag 2-million ah oo Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe uu ugu deeqay dowlada Soomaaliya, taasi oo loogu talo galay dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/raxmaan Sheakh Cali Ceynte oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhaweeyay Lacagta loogu deeqay soomaliya ee loogu talagalay Hormarinta dalka.

Wasiir C/raxmaan Ceynte ayaa sheegay Lacagta loogu deeqay Dowlada Soomaliya ee ka timid Sanduuqa horumarinta iyo nabada ee Qaramada Midoobe  in La waafajin doono Qorshaha Horumarinta Qaranka, maadaama dalku iminka uu yeeshay qorshe qaran oo dhameystiran.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in Soomaliya loogu deeqay Lacag dhan 2-million oo dollar Mareykanka oo si toos ah ugu dhacaysa Bankiga dhex ee soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here