Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa cafis u fidiyay maxaabiis ku xirneyd saldhiga Booliska Magaalada Jowhar munaasabada Ciidul Fitriga awgeed oo maalinta bari oo arbaco ah ku beegan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo ay weheliyaan qaarka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa booqday maanta saldhiga Booliska degmada Jowhar waxaana uu soo saaray amarkan lagu cafinayo sagaal ka mid ah maxaabiista ku xiran saldhiga Jowhar kuwaas oo aan galin dambiyo culculus.
Daa’uud Xaaji Cirro, Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo warbaahinta kula hadlay saldhiga Booliska degmada Jowhar ayaa sheegay in Maxaabista ay 9-ruux gaarayaam mid kamid ahna ay tahay haweeney maamulkana uu cafis u fadiyay si ay Eheladooda ula qeyb qaataan Munaasabada Ciidul Fidriga.







