Ciidamo Ka Tirsanaa kuwa Maamulka Puntland ayaa isku dhiibay Maamulka Somaliland.
Ciidamadaan oo tiradooda ay gaaraysay 150-askari,ayaa ahaa ciidamadii Puntland ee Ku sugnaa Gobolka Sool.
Wasiirka oo Warbaahinta Somaliland oo ciidamada kula hadlay halkaasi, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ku dhowaad 150 askari oo ka soo goostay ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka Sool, gaar ahaanna degaanka God-qaboobe oo ka tirsan Tukaraq.
Waxa uu sheegay wasiirka in ciidankaasi oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ay ku biireen ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, isago ballan-qaaday in ay heli doonaan xuquuqdooda oo dhammaystiran, oo markii hore ay ka waayeen Puntland.