Xoosh:-“Somaliland oo Ka Maqan Sheeko Qarameedkan Afti Lama Gelin Karo Dastuurka”,

Wasaaradda Dastuurka ee Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Dastuurka KMG aan afti loo qaadi karin, iyadoo nidaamka federaalka ee dalka ka maqan tahay Maamulka Somaliland oo horay uga dhawaaqay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Avv. C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in marka la soo gaba gabeeyo dib u eegista Dastuurka uu Baarlamaanka labada Aqal uu talo ka geli doono, kaddibna ay cod u qaadayaan, si uu u noqdo dastuur loo dhan yahay.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in labo sano gudahood la doonayo in loo qaado dastuurka afti dadweyne, hase ahaatee waxaa uu xusay inay caqabado ka imaan karaan, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo siyaasada.

“Dastuurka waa in afti loo qaadaa, labo sano gudahood si xalaal u noqdo, in Ammaanka noo ogolaan waayo, waa laga yaabaa, hadii Amniga noo ogolaadana, tan siyaasiyada ayaa iyana caqabad ah, maxaa yeelay Somaliland oo ka maqan sheeko qarameedkan Afti lama gelin karo Dastuurka, “Hadii Somaliland aftida ka qeyb qaadan, waxaa u muuqaneynaa inaan dhahno waa idinka maaranay,”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo wada tashi kula yeelaneysay xarumaha deegaanada maamul goboleedyada, si shacabka looga qeyb galiyo talooyinka ku aadan dib u eegista qodobada Dastuurka, sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in bisha soo socota ee Agosto inuu furo shirweyne looga hadlayo qabyo tirka lagu sameynayo dastuurka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*