Xog ku Saabsan Kooxo Hubeysan Oo Qatar Xoogan Ku Haya Banaanka Hore Garoonka Aadan Cade

War kasoo baxay Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya ee uu ku baahiyay barta uu baraha bulshada ay ku xiriirto ayuu kaga hadlay qodobo ay kamid yihiid dhac loo geysto shacabka isticmaala wadada marta afaafka hore Garoonka Diyaaraha iyo Nadaafad la aan ka jirta gudaha Garoonka.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in Banaanka hore ee garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada muqdisho ay joogaan kooxo Hubeysan oo dhaca Taleefanada iyo waxyaabaha kale ee dadka ay wataan, iyo habacsanan dhanka gadiidka qaada dadweynaha keena ama u qaada garoonka Aadan Cade.

“Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, Musqulo Nadiif ah malahan, Banaanka Hore tuugo ayaa joogta, Shirkadda Sahal ee dadka baxaya Geysa Garoonka Aadan Cadde Dadka waa ay Soo Daahiyan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.

Shacabka ayaa is weydinaya hadii wasiirka uu sheegay iney jiraan kooxo hubeysan oo dhacaya Taleefanada iyo waxyaabaha kale ee dadka ay wataan, shacabka isticmaala goobaha kala duwan ee laga soo galo Aadan Cade international airport ee Muqdisho, aaway ciidamadii dowladda ee Ilaalada ka ahaa Garoonka iyo xarumaha kale ee Muhiimka dowladda.

Hadalka Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar ayaa noqon doono mid amakaaak ku noqda shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Dibad iyo Dal, maadaama Wasiirka uu sheegay in burcad hubeysan ay joogaan Albaanada ama goobaha kale duwan eee Laga galo Aadan Cade international airport ee Muqdisho.

(Halka Hoose Ka Akhriso Qoraalka Wasiirka)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*