Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo Mooshin Ka Gudbinaya Shariif Xasan

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa xiligaan diyaarinaayo mooshin xilka  loogu qaadayo Madaxweynaha Maamulkaas Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan.

84-mudane oo ka tirsan Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo shir ku yeeshay magaalada Baydhabo Caasimada KMG ah ee Maamulkaas ayaa sheegay in markii ay arkeen xil gudasho la’aan dhanka madaxweynaha ay go’aasadeen in mooshin xil ka qaadis ah ay ka gudbiyaan Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan.

“84-Mudane oo ka tirsan Baarlamanka maamulka Koonfr Galbeed Soomaliyeed ayaa go’aan ku gaaray in mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyo Madaxweyne Shariif Xasan Shiikh aadan, sababaha ugu weyn ee xilka loogu qaadayo ayaa ah xil gudasho la’aan iyo in uusan waxba u qabanin bulshada Gobolada Bay iyo Bakool”, ayuu yiri Mid kamid Xildhibaanada Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaliyeed.

Tani haday dhacdo waxa uu noqon doonaa Madaxweyne Shariif Xasan Madaxweynihii Labaad ee Baarlamaan Maamul Goboleed Kalsoonida kala laabto Marka laga soo tago Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*