Xildhibaanada Kasoo Jeeda Hir-shabeelle oo Ka Baxay Balanqaad ay Sameeyeen+Dhageyso

Gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Canab Axmed Ciise oo la hadashay idaacadda Simba ee Magalada muqdisho ayaa ku eedeysay Xildhibaanada Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya iyo Aqalka Sare ee kasoo jeeda deegaanada Maamulkaas in aysan waxba u qabanin bulshada ay matalaan.

Canab Axmed Ciise ayaa sheegatay in Xildhibaanada kale ee laga soo doortay xarumaha Maamul Goboleedyada in ay ku mashquulsan yihiin sidii loogu gurman lahaa dadka ay matalaan islmarkaaana ay gaarsiiyeen deeganada ay kasoo jeedaan gargaar nooc walba.

“Waxaan si gooni ah ula hadlayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaliya iyo kuwa Aqalka Sare ee kasoo jeeda deeganada Maamulka Hir-shabeelle, dib ugu soo laabta deeganadiina oo u gargaara ayaan leeyahay shacabkiina oo abaaro ay daahshadeen,Xildhibanada kale ee kasoo jeeda deeganada kale dadkooda ay u gargaarayaan xili walba”, ayay tiri Canab Axmed Ciise.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*