Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare oo Ka Doodaya Waqtiga Doorashada Madaxweynaha

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ayaa waxaa maanta kulan ku yeelanaya Xildhibaanada Golaha shacabka iyo aqalka Sare ee dalka kuwaasi oo ka arinsanaya Xiliga la qabanaayo doorshada Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya, iyo magacaabista Guddiga doorashada.

Xildhibaannada maanta kulanka yeellanaya ayaa waxaa kala hogaaminaya guddoomiyaha gollaha shacabka  Baarlamanka Federaalka Soomaliya Prof Max’ed Shiikh Cismaan  Jawaari iyo guddoomiyaha xubnaha aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo la hadlay aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kulanka maanta uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka islamarkaana xildhibanada y s qoto dheer ugu hadli doonaan doorashada Madaxweynaha iyo waqtiga ugu muhiinsan ee la qaban karo.

Shalay guddoomiyaha gollaha shacabka  Baarlamanka Federaalka Soomaliya Prof Max’ed Shiikh Cismaan  Jawaari ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah la magacaabo doono Guddiga ka kooban aqalka Sare iyo Golaha Shacabka kuwaasi oo ka shaqeyn doono doorashada Madaxweynaha.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*