Xildhibaanada Aqalka Sare oo Su’aalo Weydiinaya Wasiirka Arimaha Dibadda

Wasiirka Arimaha Dibadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa maanta hortagaya Xubnaha xildhibaanada  Aqalka Sare, si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha wasaaradiisa iyo wax yaabaha u qabsoomay.

Dhanka kale waxaa lagu wadaa maanta wasiir Yuusuf Garaad in Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ay wax ka weydiyaan lacaga faraha badan ee laga qaaday Xujeyda Soomaaliyeed sanadkan.

Saacadaha nasoo aadan ayuuna furmi doonaa kulanka iyada oo haatan Xubnaha Aqalka Sare ay ku jiraan diyaar garowgii u dambeeyay.

Maalin nimadii shalay ayaa Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Xasan(Oomaar) waxuu hor tagay Xildhibaanada Aqalka sare ee barlamaanka Somaaliya, waxaana wax ay ka weydiyeen Arimaha amni darada malmihii ugu danbeyay ay saxaafada hadal hayeen .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*