Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Dalbaday Wada Hadalka Farmaajo + Dhageyso

Mudane ka tirsan baarlamaanka Somaliland sheegay in uu buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq. Xildhibaan Axmed Maxamed oo la hadlay Idaacada Simba ee Muqdisho  ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen.

Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka deegaanka Tukarraq.

Wuxuuna xildhibaanka riyo maalmed ku sheegay in Madaxweyne Gaas ay kalahadlaan qadiyada Tukaraq isagoo sheegay in arintaasi ay ka dhaxeyso Soomaaliya iyo Soomaaliland islamarkaana hadii uu wada hadal jiro ay kala hadli doonaan kaliya Madaxweyne Farmaajo sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan ayaa ku hanjabay in Garowe ay gacanta ku dhigi doonaan hadii uusan maamulka puntland joojin daadaansiga, sida uu sheegay Xildhibaan Axmed Maxamed oo  katirsan baarlaaanka Somaliland.

Halka Hoose Ka Dhageyso Codka: Xildhibaan Axmed Maxamed

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*