Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Ruushka Oo Lagu xiray Faransiiska

Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ee Ruushka ayaa lagu xiray dalka Faransiiska, waxaana lagu furay baaritaan rasmi ah oo la xiriira musuqmaasuq.

Ninkan oo ka mid ah dadka ugu taajirsan Ruushka, laguna magacaabo Suleymaan Karimov ayaa la sheegay in uu kala xawilay lacago lagu heley qaab wax isdabo marin ah.

Dowladda Ruushka ayaa u yeertay safiirka Faransiiska u fadhiya Moscow si ay su’aalo uga weeydiiso arrinka xildhibaanka oo lagu xirey magaalada Nice ee Faransiiska.

“Dadaal kasta ayaan galineynaa in aan difaacno xuquuqdiisa sharciyadeed” ayuu yiri afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin-ka.

Afhayaanka ayaa intaas ku daray in xildhibaanka uu haysto xasaanad dublamaasiyasadeed, taas oo dowladaha shisheeye ku qasbaysa in aysan talaabo ka qaadin qofka leh xasaanadda.

Taleefishinka ay leedahay dowladda Ruushka ee Rossiya 24 ayaa tabiyay in Kerimov uu beeniyay in uu wax qaldan sameeyay.

Qoyska Karimov ayaa maamula shirkadda ugu weyn Ruushka ee soo saarta dahabka ee Polyus loo yaqaano, wuxuuna heystaa hanti lagu qiyaasay $6.3 bilyan oo doolar.

Ninkan oo 51 jir ah ayaa waxa uu ku jiraa Aqalka Sare ee Ruushka isaga oo matala gobolka Dagestan ee waqooyiga dalkaas.

Waxa uu lahaan jiray koox kubbadda cagta oo lagu magacaabo Anzhi Makhachkala oo caan ku noqotay in ay lacag badan ku qaadatay ciyaaryahanka u dhashay Cameroon ee Samual Eto’o.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*