Dhageyso:-XFS Oo Sheegtay In Ay Diyaarisay Qorshaha Amniga Qaranka

Ra’isulwasaare  ku xigeeenka Xukuumada Federaalka  Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada ay diyaarisay qorshaha amniga Qaranka iyo qorshaha amniga Caasimada oo uu sheegay in ay u bixiyeen xasilinta Caasimada.

“Qorshaha xasilinta Caasimada waxaan ugu tala galnay in aan ku xasilino Magaalada Muqdisho oo Caasimada ah wane ku xasilin doonaa” ayuu yiri Ra’isulwasaare ku xigeeenka Dalka

Waxa uu sheegay shacabka in looga baahan yahay in ay soo sheegaan Qofka sameynaya waxyaabaha lidiga ku ah Amniga, si loo gaaro nabad iyo Amni loo dhan yahay.

“Nabad gelyadu waxay ka bilaabataa in adigu jaarkaaga kaa nabad galaan, hadii ay iaygu kugu soo duulaana aad iska qabato laamaha amaankana aad u gudbiso warbixin ka dhan ah markaas ayaan gaari karnaa nabad buuxda” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’isulwasaare  ku xigeeenka.

Ra’isulwasaare  ku xigeeenka Xukuumada Federaalka  Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in amniga aanan lagu haleyn wasiirka amniga oo kaliya waxuuna sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay garab istaagaan laamaha amaanka si buu yiri ay qeyb kaga noqdaan sugida amniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*