Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Magaaladda Nairobi oo Maanta Xiran

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya ayaa ku waramaya in maanta ay xiran yihiin inta badan xawaaladaha Soomaaliyeed ee magaaladaasi ku yaala.

Sababta loo xiray Xawaaladda ayaa lagu sheegay baaritaan lagu bilaabay xawaaladaha ku yaala magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafadda Islii,waxayna ganacsata ka baqeyn in uu sameeyo howlgalka.

Mid kamid ah Ganacsatada Magaaladda Nairobi ayaa sheegay in maanta aan wax lacag ah laga direynin Xawaaladdaha sidoo kalana aan lagu soo direynin.

Waxaa cabsi xoogan lasoo daristay Xawaaladaha kuyaala magaalada Nairobi, waxaa sidoo kale iyana cabsi lasoo darsay ganacsatada hantida badan ku leh dalka Kenya.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kenya ay xirtay Xawaaladda taaj Amal iyo kuwa kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.