Xasan Shuute oo Sheegay in Daacish ay Ka Helis badan Yihiin Al-shabaab!!!

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo maanta la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa ka hadlayay kiisaska ay Maxakamdda qabatay iyo cid halista badan Al-shabaab iyo Daacish.

Waxa uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay kiisaska ugu badnaa ee la keenay maxkmaddu ay yihiin kuwa ku saabsan shabaab iyo daacish islamarkaana ay go’aan ka gaartay maxkamaddu.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Daacish ay ka halis badan yihiin marka loo eego al-shabaab sababta arintaasi keentay ayuu ku micneeyay inay tahay in daacish ay iskugu mid tahay shacabka soomaaliyeed ee aan waxba galabsan iyo al-shabaab ayna banaantahay daadinta dhiigooda sida uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.