spot_img

Xafiis ay Kuwada Shaqeynayaan Qaramada Midoobe iyo Safaarada Imaaratka oo Muqdisho Laga Furayo

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe ee soomaaliya Amb Michael Keating, ayaa kulamo  la qaatay safiirka imaaratka ee soomaaliya Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi.

Kulanka labada masuul oo ka dhacay xafiiska Qaramada Midoobe ay ku leedahay magaalada muqdisho ayaa waxaa diirada lagu saaray doorka ay labada dhinac ee qaramada midoobe iyo imaaratka ay ku leeyihiin soomaaliya.

Michael Keating, oo ah ergeyga gaarka Qaramada Midoobe ee soomaaliya ayaa waxaa uu imaaratka uga mahad celiyey dadaalada u badan taageerada ee dowlada soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed ay imaaratku la garab taagantahay.

Waxaa kaloo uu ku amaanay imaaratka Carabta sida ay uga shaqeenayaan amaanka iyo xasilinta dalka.

Keating  ayaa sidoo kale ka codasaday imaaratka Carabta in la dhiso xafiis ay ku wada shaqeeyaan xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya iyo safaarada imaartatka ee magaalada muqdisho si ay iskaga kaa shadaan dhinacyada xiriirka ee labada dhinac.

Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah SaFiirka imaaratka ee somaaliya, ayaa ugu dambeen dhankiisa u mahad celiyey wakiilka qaramada midoobe ee soomaaliya.

Related Post

Wararka