Xaaladda Maxaabiista Ku Xiran Godka Jinicow ee Muqdisho oo Laga Deyriyay!!!

Guddiga Xuquuqul insaanka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhibaatooyin ay ka jiraan xabsiyadda ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso.

Xaawo Yuusuf Cali oo ah Gudoomiyaha Guddiga ayaa sheegtay in maxaabiista ku xiran Xabsiyadda Muqdisho sida kan Godka Jilicow ay la kulmaan tacadiyo ka dhan ah bani Aadanimada,islmarkaana loo diiday ka guddi ahaan in ay tagaan xabsiyadda.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in ay jiraan maxaabiis ku xiran xabsiyadda dowladda gacanta ku hayso oo waashay,islamarkaana halkaas isaga nool.

“Xabsiyadii aan tagnay dhibaatooyin ayaa ka jira kuwana waaba naloo diiday oo looma ogola in Xildhibaanada ay tagaan laakin waxaan idiin sheegayaa inay ka jiraan tacadiyo xabsiyada ay dadka ku xiran yihiin oo ay maamusho Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Ayey tiri Xildhibaan Xaawo Yuusuf Cali.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*