Xaaf oo Dowladda Soomaaliya ugu Baaqay in ay Faraha Kala Baxdo Galmudug+Dhageyso

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), ayaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqay in ay faraha kala baxdo arrimaha haatan ka taagan Galmudug.

Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa sheegay in khilaafka haatan taagan lagu xalin doono Magaalada Dhuusa-mareeb,ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ka digay in Magaaladda Cadaado ay noqoto halka laga soo abaabulo burburka Maamul Goboleedka Galmudug.

“Qolo walba oo waxtabeeysa waxaan ku xalineynaa wada hadal magaalada Cadaadana Barlamanku wuu ku shaqeynayaa laakin yaaneey noqonin bahalo galeen laga soo duulo,Wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexana ha joojiyo faragalintuu wado wax Ahlusuna iyo Galmudug la kala yiraa ma jiraan inta nabalamiyey markuu inoo imaan waayaan kasoo daneysanay marka dowlada dhexe Faragalin tii hore lamida ayaan kaga digeeynaa”,ayuu yiri Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*