Wiil Dhalinyaro ah oo Lagu Fuliyay Xukun Gacan Goyn ah Degmada Galhareeri

Maxkamadda Xarakada Al-shabaab ee magaalada Galhareeri ee Gobolka Galgaduud ayaa ku fulisay Xukun Gacan goyn ahaa Wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac Cali oo 27-sano Jir ah.

Qaadiga maxkamada Al-Shabaab ee ee magaalada Galhareeri ee Gobolka Gobolka Galgaduud ayaa sheegay Maxamed Cilmi Jaamac oo 27-sano jir ah in lagu helay fal xatooyo ah, kadib markii uu qirtay sida uu sheegay qaadiga in Wiilkaasi uu lacag ka xaday goob ganacsi oo ku taala Magaalada.

Goobta lagu fuliyay xukunka gacan goynta ahaa waxaa ku sugnaa dadweyne aad u fara badan iyo iyo Mas’uuliyiin ka Tirsan Xarakada Al-shabaab, Maamulka ayaa sidoo kale digniin u jeediyay dadka wax xada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*