Weeraryahan Michy Batshuay Oo ku Biiray kooxda Chelsea

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday saxiixa cusub ee xili ciyaareedkaan wuxuuna Noqday weerarkii Hore ee kooxda Marseille Michy Batshuay.

Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Belgium-ka ayay kooxda Galbeedka London ka dhisan kula soo wareegtay aduun dhan €40 million.

Michy Batshuay. Ayaa xiran doona Numberka 23-aad uu dhawaan qaatay weeraryahanka amaahda kaga Maqan Blues-ka ee Juan Cuadrado.

22-jirkaan ayaa xili ciyaareedkii soo dhamaaday kooxdiisa u dhaliyay 17-Gool 36-kulan uu kasoo muuqday sidoo kale waxaa lala xiriirinaayay kooxaha  Tottenham, Juventus iyo West Ham laakin waxaa la wareegtay kooxda Chelsea.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.