Weerarkii Shabaab ay Ku Laayeen Ciidamo Kenyaati ah Deegaanka Ceel-cadde oo Sanad Laga Joogo+Sawirro

Hal sano ayaa la joogaa Maanta oo kale 15-kii Junuary sanadkii 2016-kii kadib markii dagaalyahno ka Tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen  saldhig Ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde  ee Gobolka Gedo, kaasi oo qasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Ciidamada Kenya.

Waqtiga waxa uu ahaa Xili subax ah weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu ka xayenayay mid kamid ah dagaalyahanada shabaab, kaasi oo lagu dhuftay dhuftay albaabka Xeradii ciidamadii Kenya ay ka deganaayeen Degmada Ceelcadde Gobolka Gedo, waxaana xigay dagaal toos ah oo Shabaab ay ku galeen  Xeradaasi.

Dagaalka kadib waxaa xigay toogasho ay shabaab  ka bilaabeen xerada madaama Ciidamada Kenya aysan xiligaan u diyaarsaneen dagaal ay la galaan Ciidamada dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Gawaari badan ay lahaayeen Ciidamada Malatariga Kenya ayaa Lagu Gubay goobta uu weerarka ka dhacay, waxayna goobtaasi sidoo kale ay Xarakada Al-shabaab ka qaateen saanad Millateri wixii yaalay, waxay shabaab sheegeen in weerarka Kenya loogu dilay 100-askari.

Ehelada Askarta la laayay ayaa ka quustay qaar ka mid ah meydadka wiilashooda oo la waayay, waxayna muddo dowladda Kenya ka sugayeen shaacinta khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaasi ka dhashay balse waa ay ka quusteen.

Dhanka kale Madaxweynaha Kenya oo dhowr mar Su’aalo laga weydiiyay Tirada askarta Kenya ah ee weerarkaas lagu dilay ayaa ka gaabsaday, inkastoo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh uu si dadban u sheegay in Kenya dagaalkaas loogu dilay 100-askari, arintaas waxaa ka xumaaday madaxda kenya.

148446496281377.jpg1484464964a1b30.jpg1484464967e123c.jpg1484464971ace9b.jpg14844649751271b.jpg1484464979489ca.jpg1484464981cb178.jpg1484464989dff92.jpg1484464994cffa5.jpg1484465002fdc28.jpg148446500780503.jpg148446501589178.jpg

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*