Weerar Qaraxyo Ku Bilowday oo Lagu Qaaday Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga

Qaraxyo Bambaanooyin loo adeegsaday ayaa caawa lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Degmadda Deyniile ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa 5-bambo Gacmeed ayaa lagu weeraray Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaaradda,waxaana kadib la maqlay rasaas la sheegay in ay isweedaarsanayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo ragii hubeysnaa.

Ma’suuliyiin katirsan Maamulka Degmada Deyniile oo la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in qaraxyada Bambooyinka ay jiraan islamarkaana Ciidamadda ay iska caabiyeen ragii hubeysnaa.

Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa xafiis iyo guri u aheyd xiligii Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo,inkastoo uu haatan ku shaqeeyo Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay weerarkaan.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*