Weerar Ismiidaamin ah iyo Mid Toos ah oo Ka Dhacay Kismaayo

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ahaa oo Caawa ka dhacay Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose.

Weerarkaan ayaa lagu qaaday Hotelka Cas Casey oo ku dhow Aargada Magaaladda Kismaayo.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal weerarkaan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hoteelka, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi.

Ciidamadda amaanka Maamulka Jubba-land, ayaa gaaray Ciidamadda goobta uu weerarka ka dhacay,waxaana socda howlgal.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.