Wasiirka Maaliyadda Soomaliya oo La kulmay Keating iyo Xubno Kale oo UN-ka ah+Sawirro

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada midoobay ee Somaliya sida Michael Keating iyo Xubno kale oo Un ka ah.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Q.Midoobay iyo Dowladda FS , bixinta Canshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyk qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay W.Maaliyadda XFS Dr Bayleh iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoona balan qaaday in Q.M ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee Dowladda.

Sidoo kale Wasiirka W.Maaliyadda Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale ayaa ka dalbaday Madaxda Q.M in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka badnaado sanadii hore.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*