Wasiir Yariisow oo Hortagay Guddiga Warfaafinta ee Golaha Aqalka sare + Sawirro

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta hortagay Guddiga Warfaafinta, arimaha bulshada iyo Dhaqanka ee aqalka sare

Wasiirka oo kulanka ka dib Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in waxyaabaha wax laga weydiiyay ay ka mid ahaayeen, Qorshaha guud ee Wasaaradda, Xeerka Saxaafada Soomaaliya, Xiriirka wasaaradda kala dhaxeeya kuwa warfaafinta ee Dowlad Goboleedyada iyo waxyaabaha u qabsoomay mudada uu xilka hayo, wuxuuna sheegay in dhamaan uu ka jawaabay su’aalaha la weydiiyay.

Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow waxaa kulanka ku wehlinayay Lataliyahiisa Mudane Xuseen Jaabiri iyo Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliya Liibaan Cabdi Cali.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare iyadoo wax laga weydiiyay Wasaaradahooda waxyaabaha u qabsoomay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*