Wasiir Ku Waayay Xilkiisa Ka Hadalka Arinta Cabdikariim Qalbi Dhagax

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa xilkii ka qaaday Wasiir u dowlaha madaxtooyada Puntland ee xiriirka gobolada, Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan, kadib markii uu ka hadlay Go’aanka Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku dhiibatay C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia,

Qoraal kasoo baxay madaxtooyadda maamulka puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu xilkii uu ka qaaday Wasiir u dowlaha madaxtooyada Puntland ee xiriirka gobolada, Bashiir Cabdiraxmaan Gurxan, islamarkaana lasoo magacaabi doono mas’uulkii badali lahaa.

Arintaan ayaa loo aanaynayaa wareysi uu Wasiiru dowlaha uu siiyay Todobaadkan warbaahinta oo uu ku sheegay in Dowladda Soomaliya ay ku saxneed go’aankii ay ku dhiibtay C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo ka Tirsan jamhadda ONLF.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*