Wasiir Goodax:-“Waan Saacad Kasta aan Xiri Karnaa Social media-yah”,+Dhageyso

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ku hanjabay in Social Mediyaha la xiri doono hadii wasaaradda ay ogaato in Qish ardey ay haleen.

Wasiir Goodax oo maanta daah furay imtixaanka Dugsiga sare ee wasaaradda Waxbarashadda ayaa sheegay in Wasaaradda ay waxyaabo badan kasoo badashay imtixaanka sidoo kale la adkeeyay qaabka bixinta imtixaanka, oo horey ay mas’uul ugu ahaayeen  karmoorayaasha oo kaliyah,balse ay haatan mas’uul kawada yihiin saraakiil boolis ah iyo kormeerayaasha oo mid walba uu shaqo gaar ah leeyahay.

Dhanka kale Wasiirka Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/laahi Goodax Barre ayaa ku hanjabay in la xiro doono baraha bulshadda Social media-yah hadii wasaaradda ay ogaato in la helay mar kale qishka imtixaanka,islamarkaana arintaan amar kaga haysteen Maxkamadda Sare ee Dalka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.