Wasiir Cawad oo Denjire James Fender Kala Hadlay Taageeraadda Dowladda Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa maanta ku qaabilay Muqdisho Safiirka Boqortooyada Midowday (UK) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Benjamin James Fender, waxa uu kala hadlay intii lagu guda-jiray fadhigaasi xoojinta xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo qaabkii lagu horumarin lahaa iskaashi dhinac kastaba leh.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saarray iskaashiga dhinacyada ammaanka, milatariga, maalgeshiga iyo kobcinta dhaqaalaha iyo taageeridda dadaalka weyn ee Xukuumadda Federaalka ee ka tarjumaya rabitaanka dadka ee ah ka guul keenidda xasilinta dalka si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.