Wasiir Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada Somaliyed ee Hantida u taal Dibadda

Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ka warbixiyay tirakoobka Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.

Ugu horeyntii wasiirka Maaaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in wajigii ugu dambeeyay uu marayo barnaamijka deyn cafinta ee ka gudbida wajiga Sedexaad ee Barnaamijka.

“Waxaan maanta ummadda  Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii ugadambeysay ee ka soo baxday ‘IMF’   International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay”.ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle ayaa ka hadlay tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda waxaana uu sheegay inuu gabagabo marayo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay ka fakaraan amaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddanka kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.

“Dhanka kale waxaan Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalkeena Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan Baaq iyo dhiiri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan”.ayuu yiri Wasiirka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.