Wasaaradda Dastuurka oo La Kulantay Dadka Qurbajoogta ah ee Dalka Ku Sugan+Sawirro

Wasaaradda ayaa maanta kulan wadatashi ah la qaadatay dadka Qurbajoogta ah ee dalka ku sugan oo isugu jiray masuuliyiin dalka xilal ka haysa, sida Xildhibaano iyo Safiiro.

Wasiir Abdi Hoosh oo ka hadlayey sida ay uga go’antahay in Qurbajoogta ay tala ku yeeshaan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri “Dadkeenna dalka dibadiisa ka yimid ee aan kamid ahay waxa ay xaq u leeyihiin in ay ra’yigooda ku biiriyaan Geedi-socodka, waxaa inaga go’an in aan ugu tagno dalalka ay joogaan si aan u xoojino mabda’a aan ku shaqeeyneyno ee ah daah-furnaan”.

Kulankan ayaa ah mid wadada u furaya in dhamaan dadka Qurbajoogta ah ay ka qaybgalaan ololaha Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo sanadkan gudihiisa ka bilaabmi doona dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*