spot_img

Wasaaradda Arrimaha Dibada oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoontay Safiirka Yemen ee Soomaliya

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Ali Mohamed “kadiye” ayaa maanta kaga guddoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Yemen u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Fadal Ali Alhanak.

Qaabilidda Safiirka cusub kadib, waxaa Wasiir kuxigeenku la yeeshay kulan gaar ah Danjire Fadal Alhanak oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal , xaaladihii ugu dambeeyay gobolka , arrimaha qaxootiga iyo ammaanka.

Waxaa xusid mudan in Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu si rasmi ah u bilowday December 18-keedii, sanadkii 1960-kii.

Soomaaliya ayaa waxaa kala dhaxeeya Yemen xiriir dhinacyo badan leh oo ku qotama iskaashi wadaag iyo derisnimo.

Related Post

Wararka