Wasaaradda Amniga Soomaliya oo u Hanjabtay Ganacsatadda Muqdisho+Dhageyso

Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Ganacsatadda Magaaladda Muqdisho.

Cabdicasiis Cali ibraahim Xildhibaan Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Hay’adaha amniga ay ka warqabaan Ganacsato uu sheegay in Xarakadda Al-shabaab ay lacago siiyaan.

Xildhibaan waxa uu sheegay Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xiri Karin Garoomadda ay leeyihiin, islamarkaana cidii qaadata amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilaabo.

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya  ayaa sheegay in wasaaradda ay gacanta ku hayso Liiska Ganacsato Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Xarakadda Al-Shabaab.

C/casiis Xildhibaan ayaa dhanka kale sheegay in wasaaradda amniga ay sharciga la tiigsan doonto idaacaddo uu sheegay in ay baahiyaan warar been abuur ah, cidii lasoo dacwayanaay la maxkamadeyn doono.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*