Wariye Ku Dhaawacmay Qaraxii Magaaladda Beledweyne oo Geeriyooday

Ala ha u naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe  Magaaladda muqdisho ku geeriyooday wariye C/laahi Cismaan Macalin oo kamid ahaa shaqaalaha Tv-ga Jubba-land oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wariyaha ayaa labadii maalin aynu soo dhaafnay ku jirey isbitaalka Difgeer ee Magaaladda Muqdisho kadib markii wax loogu soo qaban waayay goobaha caafimaadka Magaaladda  beledweyne,waxaana sidoo kale la sheegay in dalka aan waxba loogu qaban Karin , kadib markii firir uu ka galay maskaxda.

Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaaladda Beledweyne ee Gobolka hiiraan ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro wariyayaal ah oo ka howlgalo magaaladaas.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*