Wariye Gacma dheere, Hodan Naaleeye iyo Seygeeda oo Lagu Dilay Weerarkii Kismaayo

Qarax gaari loo adeegaday iyo weerar toos ahaa ayaa caawa Maqribkii lagu qaaday hoteel ku yaala Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubba-land.

Dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ayaa gudaha u galay Hoteelka Cas-sasey ee ku yaala Magaaladda Kismaayo halkaas oo ay dagan yihiin sanataro, Xildhibaano iyo dad shacab ah.

Sida la xaqiijiyay waxaa weerarkaan ku dhintay wariye Maxamed Sahal Omar Gacmadheere oo ka howlgali jiray SBC TV, Hodan Naaleeye oo aheyd dadka ka yimid qurbaha ee soo kordhiyay hal abuur lagu xoojinayo Nabadda, iyo Seygeeda.

Dhanka kale waxaa gudaha hoteelka laga soo badbaadiyay Labo xildhibaano oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo kala ah Maxamed Cali (Caano nuug) iyo Senatar Iftiin Xasan Baasto.

Ciidamadda Jubbaland aya gaaray hoteelka la weeraray waxaa gudaha hoteelka ku jira dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab, waxayna soo tuurayaan bambooyinka gacanta laga tuuro.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaaladda kismaayo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.