Wariyayaal u Shaqeynayay Shabaab oo La Sheegay in Muqdisho Lagu Qabtay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaaladda muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow), ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen labo wariye oo ka shaqeynayay idaacadda Andulus ee Shabaab.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ayuu ku xaqiijiyay qabashadda labada wariye, iyo kooxo burcad ah oo dhibaatooyin u geysanayay shacabka Magaaladda.

Gudoomiye Yariisow ma uusan shaacinin Magacyadda xubnaha la qabtay ee u shaqeynayay idaacadda Shabaab.

“mar aan booqanay xarunta 991 ee Booliiska waxaan ku faraxsanahay warbixino ay shacabka soo gudbiyeen oo lagu howlgalay in lagu soo qabtay kuwa shacabka waxyeelo u geysan lahaa. Labo wariye oo masaajid Kaxda jiifanayey oo Idaacada Andaluus u shaqeynayey laga soo qabtay halkaas”, ayuu yiri Yariisow.

Hadalka Gudoomiyaha Gobolka banaadir ayaa imaanaya xili Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya ay kordhiyeen howlgaladda ay ka fuliyaan magaaladda muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.