Wariyaal Iyo Dad Dhigayey Dibad Baxyo Looga Soo Horjeedo Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Xiray Gaalkacyo

Maamulka Galmudug ayaa Xabsiga dhigay ku Dhawaad 50-Ruux oo ka mid ahaa dad maanta Gaalkacyo ka dhigay Dibad-bax, looga soo horjeedo Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo  oo Asbuucaan socdaal ku mari doona deegaanada Maamulka Galmudug.

Dadka la Xar-xiray ayaa waxaa ka mid ah Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ah Agaasimaha Idaacada Codka Mudug oo ku taala Magaalada Gaalkacyo, taasi oo Ciidamada Dowladda ay ku Eedeeyeen inay baahisay Codka iyo Sawiradda dadkii banaan baxa dhigayey.

Mas’uuliyiinta laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa iska Fogeeyey inay wax lag ah ku leeyihiin Xariga wariyahaan iyo dadka kale ee la Xiran, aygoona ku eedeeyey Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Dhawaan la geeyey Magaaladaasi.

Ciimada gaar ah ayaa galabta bilaabay inay Xiraan wadooyinka Gaalkacyo is ay Hareeraha Wadooyinka ay ugu Xiraan Boorar uu ku sawiran yahay Madaxweye Farmaajo.

Xiisad ayaa la dareemayaa magalaada, waxaan la arkayaa boqolaal ka tirsan Shacabka Gaalkacyo oo dhiga dibad baxyo ay uga soo horjeedaan in koofurta Gaalkacyo uu tago Madaxweyne Farmaajo.

Dibad baxayaasha Gaalkacyo ayaa madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu Itoobiya u gacan galiyey C/kariim Sh.Muuse (Dhagax) oo sanadkii hore Ciidamada gaarka ah Dowladda Soomaaliya ay ku qabteen Koofurta Gaalkacyo ka dibna lagu wareegiyey Sirdoonka Itoobiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*