Wararkii Ugu Danbeeyay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamed Saciid Cawaare.

Nabadoon Maxamed Saciid Cawaare ayaa la sheegay in kooxdaasi ay ku dileen meel aan sidaa kaga fogeyn hoygiisa oo ku yaaal gudaha magaalo Xeebeedka Boosaaso ee Gobalka Bari.

Sarkaal katirsan waaxda danbi baarista Magaalada Boosaaso oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka dilkaasi loo geystay Nabadoonka, balse sarkaalka ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku saabsan cida ka danbeysay dilka Nabadoon Maxamed Saciid.

Majirto ilaa iminka cid sheegatay masuuliyada dilka hadee ahaan laheyd dhanka Alqaacidda Soomaaliya ee Alshabaab, ama in nabadoonka loo dilay arimo ku saabsan aano Qabiil.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidmada amaanka ay sameynayaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada iyo baadi goobka ragii ka danbeeyay dilka nabadoon Maxamed Saciid Cawaare.

Kala Soco Waxii Kusoo Kordha www.simbanews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*