Wararkii Ugu Danbeeyay Ciidamada Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Ku Dagaalamay Magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa laga helayaa dagaal xalay Xoogag katirsan Al shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha ee Degmada Heliwaa.

Sarkaal katirsan ciidamada Military-ga dowladda oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay rag katirsan dagaalyahanada Al shabaab xalay weerar kooban iney ku soo qaadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmada Heliwaa, halkaana uusan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka shacabka iney dhanka ciidamada dowladda ee halkaasi saldhiga ku leh.

Ilo hoose oo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay weerarkii xalay Al shabaab ay ku soo qaadeen Xaafada Suuqa Xoolaha inuu ka dhashay khasaare kala gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa Xarakada Al shabaab.

Maamulka degmada oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa xaqiijiyay weerarka, balse waxuu maamulka ka gaabsaday inuu faah faahin intaa ka baxsan inaga siiyo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wali majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya xaalada xaafada iney tahay saakay mid degan, balse laamiyada lagu arkayo ciidamo fara badan oo baaritaano ku sameynayay gadiidka dadweynaha iyo midka shaqsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*